Xigashada Sawirka, Getty Images
Ma dooneysa inaad gaarto ama ogaato gobaha ugu dalxiiska wanaagsan Aduunka? Toddobaadkan Hay’adda dalxiiska Adduunka oo hoos tagta Qaramada Midoobay ayaa daaha ka rogtay liiska 32 maagaalo oo aad ugu wanaagsan dalxiiska.
Spain ayaa noqotay waddanka magaalooyinka ugu badan laga doortay liiskan: Waa Rupit, Alquézar iyo Guadalupe.
Meelo kala duwan oo ku yaal Austaria, Vietnam, Shiinaha, Israa’iil iyo Talyaaniga ayaa sidoo kale ku guuleystay inay ka mid noqdaan dalalka laga xushay magaalooyinkan.
Marka loo eego shuruudaha hay’adda UNWTO, 32-da magaalo ayaa waxaa laga soo dhex xushay – ku dhawaad 136 magaalo. Waxay sheegeen inay ku saleyeen – dhaqaalaha, bulshada iyo deegaanka.
Sidee ayay hay’addu xulashada u sameysay?
Sida laga soo xigtay hay’adda UNWTO waxay sameeysay in waddan kasta uu soo gudbiyo magaalooyinkiisa dalxiiska.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xigashada Sawirka, AGF
Habka xulashada ka dib -kaasoo lagu tixgaliyay dhinacyo ay ka mid yihiin kor u qaadida iyo ilaalinta kheyraadka dhaqanka, waaritaanka dhaqaalaha, bulshada iyo deegaanka, horumarinta dalxiiska iyo caafimaadka iyo badbaadada ayaa 136 ka mid ah laga doortay. Ka dib ayaa hadana ugu dambeyntii laga sii dhex xushay32 magaalo.
Haddaba waa kuwee magaalooyinkan?
Sauris-Zahre (Talyaaniga)
Isola del Giglio (Talyaaniga)
Moulay Bouzerktoune (Morocco)
Pyeongsa-ri (Kuuriyada Koonfureed)
Bisha Febaraayo ee soo socota mid ka mid magaalooyinkan oo ku taalla Sacuudi Carabiya oo la yirahdo Al-Uula ayaa waxay ku guuleystay in la qabto munsaabadda lagu maamusayo 32-da magaalo ee la soo xushay.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Afhayeen u hadlay waaxda dalxiiska ee Colombia ayaa sheegay in sheegay in Choachí loo xusho inay ka mid noqoto 32-da goobood.
Dhanka kale agaasimaha xafiiska dalxiiska Spain Manuel Butler ayaa u dabaal degay guusha ah in dalkiisa laga xusho 3 magaalo oo uu noqdo dalka ugu magaalooyinka badan liiskan.
“Waan ku faraxsanahay in hay’adda UNWTO ay Spain ka dhigto dalka ugu magaalooyinka badan liiska. Ujeedadayadu waa in aan kor u qaadno dalxiiska Spain oo dhan, waana ku faraxsanahay aqoonsiga caalamiga ah,” Butler ayaa sidaasi u sheegay wargeyska Ingiriiska ka soo baxo ee The Guardian .
Credit: Source link